Kofi Anan oo walwal kamuujiyay xaalada magaalada Xalab ee wadanka syria

Xili ay taangiyada iyo ciidamada milatariga suuriya isku diyaarinayaan weerar xoog leh ku qaadaan magaalada labaad ee ugu weyn wadanka siiriya Alepo”xalab”, si ay kaga saaraan kooxaha mucaaradka ee hada gudaha ugu jira magaaladaas, ayaa Ergayga gaarka ah ee jaamacada carabta iyo QM u xilsaaran arimaha siiraya Kofi Anan,waxa uu labada dhinac ugu baaqay ineey joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiiga dadka shacabka ah.

Kofi Anan ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah loosoo fara galiyo xaalada siiriya,si loo joojiyo xasuuq hor leh oo kadhaca magaalada xalab.

“Runtii waxaa jiro walwal iyo murug iga haysata wararka ka imaanaya magaalada labaad ee ugu weyn wadanka siiriya “xalab” iyadoo ciidamada doowlada ay hareeraha magaalada soo dhoobeen taangiyada iyo hubka culculus waxaana ka cabsi qabaa in dagaal xoogan uu halkaa kaqarxo” sidaa waxaa warbaahinta usheegay Kofi anan.

Anan ayaa tilmaamay in ciidamada faraha badan ay doowlada suuriya soo dhuubtay magaalada xalab ay daliil utahay in dagaal weyn uu dhici doono waxa uuna doowladaha caalamka ugu baaqay in ay kashaqeeyaan sidii labada dhinac loogu qancin lahaa ineey joojiyaan dagaalka.

Dhanka kale wararkii ugu danbeeyay ee suuriya ayaa sheegaya in ciidamada doowlada oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka iyo maraakiib ay weerar xoogan kuqaadeen magaalada xalab oo ay hada gacanta kuhayaan kooxaha mucaaradka.

Warbaahinta kusugan magaalada xalab ayaa soo sheegaya in ay arkayeen iska hor’imaad dhexmaraya ciidamada doowlada iyo mucaaradka, sidoo kalena ay arkeen meydadka qaar katirsan mucaaradka.

Ciidamada doowlada ayaa saakay waabariga duqeyn culus oo loo adeegsanayo Hoobiyaha,taangiyada, iyo qoryaha kadhaca Helicoptarada ku bilaabay magaalada Xalab.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaysa in ciidamada doowlada ay ka gacan sareeyaan koxaha mucaaradka ee dagaalka kula jira, dhanka kale kooxaha mucaaradka ayaa sheegay ineey dib uriixeen askarta doowlada sidookalena ay ka gubeen taangiyo, balse majirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada mucaaradka.

Siidoo kale mucaaradka waxay sheegeen in howl galada milatari ee kasocda magaalooyin dhowr ah tan iyo sabtidii ay ku dhinteen dad gaaraya 145 ruux, iyadoo 81 kamid ah dadkaasna ay yihiin shicib,28 kamid ahna ay yihiin askarta mucaaradka, halka 35-ta soo hartayna ay yihiin askarta doowlada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here