Klopp: Sunderland waxeey ahayd kooxdii ugu adkeyd ee aan wajahno

klopp-banner2Tababaraha reer Germany iyo kooxda Liverpool Jurgen Klopp, ayaa sheegay in kooxda Sunderland ee lagu naaneeso¬†Black Cat’s ay ahayd kooxdii ugu adkeyd ee ay xili ciyaareedkaan wajahaan.

Waxa uu sheegay ineey kala horyimaadeen daafac adag iyo Kubad adag, taasoo kooxdiisa Liverpool dhibaato xoogan ku noqotay qeybihii hore ineey Gool dhaliyaan.

Balse Kooxda Liverpool ayaa lahayd qosolka ugu dambeeya, maadaama ay 2 Gool oo xili dambe yimid u kala dhaliyeen Origi iyo Milner.

Ciyaartoyda Liverpool oo u dabaal degaya Goolkii Milner
Ciyaartoyda Liverpool oo u dabaal degaya Goolkii Milner

“Waxaan soo wajahnay kooxo badan oo daacafooda adagyahay, balse Sunderland waxeey ahayd midii ugu adkeyd kooxahaas” ayuu yiri Klopp.

By Rashka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here