Kizuna oo noqday erayga ugu caansanaa dalka Japan sanadkaan 2011

Eragyga kizuna ee luuqada dalka Japan oo micnihiisu yahay ‘connections between people’ isku xirka kulshada ayaa noqday kan ugu adeegsiga badanaa sanadkaan dalka Japan.

Machadka kanji ayaa eraygan u aqoonsaday kan sanadka 2011 kadib marki daraasad uu kumanaan kun oo ruux ka qaaday dhamaan magaalooyinka dalkaasi kuwaasi oo uu ku weydiiyey eraygi ugu caansanaa dalkaasi looguna adeegsiga badnaa.

Sanadkaan dalka Japan waxaa ugu weynaa dhacdo ahaan dhul gariirki tsunami oo garaacay bishi March.

Masiibadaasi waxa ay keentay in dadku ay isku xirmaan oo ay is walaashadaan isna gargaaraan.

Kadib marki ay tsunami ku dhifatay xeebaha waqooyi bari ee dalkaasi 11-ki March ee sanadkaan daba yaaqadka ah waxaa ku dhintay kumanyaal waxaase bulshadu ay go,aan ku gaartay in ay isku xiranto taasi oo bulshada caalamka ku amaantay dadka reer Japan.

Bishi April, ra’isulwasaaraha dalkaasi Naoto Kan ayaa uga mahad celiyey aduunyada sida ay u gargaareen kadibna waxa uu cinwaan uga dhigay qudbadiisa “Kizuna”  oo Ingiriis ahaan noqoneysa “Bonds of Friendship” micnaheeduna yahay isku xir saaxibtinimo.

Sidoo kale marki Japan ay koobka aduunka ee dumarka ku garaacday finalka dalka Mareykanka erayga “kizuna” waxa uu hal ku dhig u ahaa isku xirka ciyaartooyda.

Nus milyan ruux oo ka qeybgalay cod bixin loo qaaday arayada ugu caansanaa sanadkaan dalka Japan ayey Kizuna booska koowaad ka dagtay.

Laakin kaalinta labaad waxaa soo ciriirsaday erayga luqada Japan lagu yiraahdo “wazawai”   oo ah disaster afka Soomaaligana ku noqonayo masiibo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.