Kismaayo waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in maanta halkaas ay gaareen wafdi wasiiro ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdiga waxaa hoggaaminaayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, xildhibaanno iyo xubno kale.

Waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay gudoomiyaha maamulka kumeel gaarka ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), waxaana intaasi kadib wafdiga lagu galbiyay gaadiid ay lee yihiin ciidanka AMISOM.

Waxaana kulan ay qaateen kaddib, guddoomiye ku xigeenka maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Raadeer ayaa warbaahinta u sheegay in ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen arrimo la xiriira ammaanka, isagoo intaas raaciyay in wafdiga dowladda uu horudhac u yahay booqasho raysul wasaaraha uu ku tagayo Kismaayo.

Wafdiga ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay booqasho la filayo in raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu dhowaan ku tago magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka.

Raysul wasaare Shirdoon ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter wuxuu maanta ku shaaciyay inuu ku mashquulsan yahay isku diyaarinta safar adag oo muhiim ah oo uu ku tagayo magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay inuu la kulmi doono mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo iyo dadweynaha halkaas ku dhaqan.

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada berri ah la filayo in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wafdi heer sare ah oo uu hogaamin doono ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here