Kismaayo oo saakay xasiloon

Waxaa saakay xasiloon magaalada Kismaayo kadib marki duqeymo cirka iyo bada lala beegsaday labadi maalin ee lasoo dhaagay.

Inkastoo jawiga uu daganyahay, hadana dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoog leh oo ku aadan in mar kale ay diyaaradaha dagaalka Kenya duqeeyaan magaalada.

Kenya shalay waxay sheegteen in ay ka danbeeyeen duqeynti cirka iyo bada aheyd ee loo geystay Kismaayo kuwaas oo ay fuliyeen maraakiib iyo diyaarado dagaal.

Qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi wali ma cada, saraakiisha Al Shabab ayaa sheegay in aysan cinka wax ku noqon duqeynti shalay, halka afhayeenka milatariga Kenya Oguna oo ka gaabsaday.

Kenya ayaa duqeys ku wada magaalada Kismaayo iyadoo ciidamada dhulka ay wali ku suganyihiin meel magaalada u jirto 50-km.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here