Kismaayo oo Qof Shacab ah Lagu Dilay iyo Howlgalo Baaritaano ah oo Socda

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose kooxo hubaysan ayaa Magaaladaasi waxa ay ku dileen qof shacab ah.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo halkaasi oo kooxaha hubaysan ay ku toogteen qofka dhalinyarada ah.

Magaca qofka la toogtay ayaa waxaa lagu soo koobay Maxamed Axmed oo kamid ahaa dadka deegaanka islamarkaana ilaa iyo iminka aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilka loo geestay qofkaasi shacabka ah.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa durba soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo goobta ka sameeyay baaritaano adag oo ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay qofka shacabka ah.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegeen inay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay qofka shacabka ah ee lagu dilay xaafada Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo.

Kismaayo oo ay hada ka socdaan dhaqdhaqaaq loogu sameynayo maamul ay uwada dhan yihiin shacabkaasi ayaa ciidamada Dowladda Soomaliya waxa ay wadaan sugidda dhanka ammaanka ee Magaaladaasi,inkastoo falal lidi ku ah ammaanka ay mar mar dhacaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here