Kismaayo oo mar kale la duqeeyey


Markab dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay Kenya ayaa maanta duqeeyey magaalada Kismaayo.

Markabkan oo ah isla kii duqeeyey Kismaayo ayaa kusoo dhawaaday xeebta kadibna ku tuuray magaalada dhowr madfac oo ah kuwa lidka diyaaradaha.

Wali lama oga qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, laakin dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta maanta ay ka yareyd tii Axadi lagu weeraray magaalada.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa la sheegay inay ku jawaabeen qoriga lidka diyaaradaha iyo madaafiicda garbaha laga gano oo jihada maraakiibta ay xigaan u tuuray.

Duqeynta waxay saameysay dakada magaalada oo ay ka kala carareen dadki xoogsatada iyo shaqaalaha, iyadoo wali ay ka jirto magaalada cabsi.

Kenya ayaa todobaadki hore sheegtay in ay diyaarineyso howlgalki ugu balaarnaa oo ay ku qabsaneyso magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here