Kismaayo oo Maanta Bandow ah iyo Baaritaano ka socda Magaalada

Waxaa Maanta Bandow la saaray Magaalada Kismaayo,kadib marki ay ka dhaceen qaraxyo is xig xiga iyo dagaal ay ku soo qaadeen Xoogaga Alshabaab.

Qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay Magaalada ayaa lala eegtay saraakiil sar sare oo ka tirsan kuwa Kismaayo, waxaana qaraxyada ay dhibaato ka soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa lagu wargaliyay inaysan ka soo bixin guryahooda, waxaana magaalada lagu dadaiyay ciidamo aad u badan oo isugu jira Soomaaliya iyo Kenyaati.

Sadex Qarax oo xoogan ayaa tan iyo saaka ka dhacay magaalada, waxaana qaraxii ugu weynaa uu ka dhacay xarunta Magaalada Maamulka Kismaayo, sidoo kale labada qarax ee kale ayaa ka kala dhacay Aargada magaalada iyo Baar lagu magacaabo Baar Afrika.

Khasaao badan ayaa la sheegayaa inuu ka soo gaaray ciidamada Dowlada qaraxayadaasi, waxaana maanta Bandow lagu soo rogay isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here