Kismaayo oo maalintii 2-aad uu shir ka socdo

Raiisul wasaaraha oo soo gaba gabeeyay safarkiisi kismaayo
Ra’iisal oo dhawaan tagay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maalintii labaad ka socda shirka dib u heshiisiinta bulshada gobollada Jubbooyinka.

Waa wejiga labaad ee shirka loo qabanaayo beellaha deggan Jubbooyinka.

Sidda ay lee yihiin qaban qaabiyaasha shirka, wuxuu socon doonaa muddo 15 cisho.

Shirkan ayaa la sheegay in ay soo qaban qaabisay xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka kala tirsan goleyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka ee dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka KMG ah ee Jubba Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo oo ka hadlaayay shirka ka socda Kismaayo ayaa sheegay in shirku yahay mid taariikhi ah oo ku weyn bulshada gobollada Jubbooyinka.

Gen. Fartaag  ayaa kula dardaarmay bulshooyinka saddexda gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo midnimada, si looga gudbo dhibaatooyinka kala duwan.

Shirka shaley ka furmay Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu ku xigi doono shir kale oo lagu qaban doono magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here