Kismaayo oo looga dhawaaqay labo maamul Dhageyso

Wararka ka’imaanaya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hogaamiyaha Ururka Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo loo doortay madaxweynaha mamul goboleedka Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in Ergooyinkii ka qeyb galay shirkii kasocday Kismaayo Axmed Madoobe maanta xilkaas u doorteen.

Madasha doorshadu ay ka dheceysay ayaa waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah musharixiinta u taagnaa qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Juba-land halka ay qaar kalane ay goobta ka maqnaayeen iyada oo aan la sheegin sababaha aysan usoo xaadirin madashada ay ka dheceysay doorshada.

Sidoo kale waqti yar kadib, ayaa waxaa isna ku dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha Jubaland Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale, oo wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in Xubno maalmahaan shir uga socday Kismaayo ay isaga udoorteen madaxweynaha Jubaland.

Dhageyso wareysiga Axmed Madoobe

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/axmedmadowbe.mp3″]

Barre Hiiraale oo la weydiiyay waxa maanta isku soo beegay doorashada Axmed Madoobe iyo doorashadiisa, ayaa ku jawaabay sida tan:

“…Walaahi wey isku soo beegmi karaan, weyna kala hormari karaan, laakiin shirkoodu inuu socdo anagu waan ogeyn shirkeenana wuu socday mudo, dadkii deegaanka ahaa ee meesha isugu yimid ayaa aniga ii doortay inaan noqdo madaxweynaha Jubaland, mudo 4 sano ah baana la’ii xilsaaray inaan noqdo madaxweynaha Jubaland…”.

Barre Hiiraale, ayaa sidoo kale mar la weydiiyay in arintaan ay keeni karto in magaalada Kismaayo dagaal uu ka bilaawdo, waxa uu sheegay in iyaga aysan dooneen dagaal iyo Colaad.

“Shirkaan Axmed Madoobe lagu doortay waxaa watay kenya iyo IGAD, barnaamijkaasuna wuxuu noqday barnaamij aan dadka Soomaaliyeed lahayn…” ayuu yiri Barre Hiiraale.

Halkaan ka dhagayso Codka Barre Hiiraale:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/Bare-Hiiraale.mp3″]

Magaalada Kismaayo, ayaa hada u muuqaneysa mid yeelatay laba maamul oo kala aragti duwan, sidoo kale doorashada Axmed Madoobe, ayaa kusoo aadeysa xili maanta magaalada Muqdisho uu gudi ka kooban labada gole ee doowlada uu kaga dhawaaqay Ra’iisul wasaaare Saacid, gudigaasoo loo xilsaaray ineey xaliyaan arimaha murugsan ee jubooyinka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here