Kismaayo oo lagu soo gabgabeeyay Tartan kubadda cagta oo ka qaybgaleen 20 koox

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose ayaa shaley lagu soo tartan kubadda cagta oo ay ka qaybgaleen 20-koox oo ka dhisan xaafadaha magaalada.

Ciyaartii shaley ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka kubada cagta Waamo ee  ku yaalla Xaafada Farjanno ee koonfurta magaalada Kismaayo.

Waa markii ugu horreysay oo muddo 7-sanno kaddib la qabto tartankaas, sida ay sheegeen guddiga ciyaaraha magaalada Kismaayo.

Ciyaartii ugu dambeesay waxa ay dhexmartay kooxaha Aargo iyo Kasiima waana labada koox ee ugu firfircoonaa tartanka inta uu socday.

Waxaana aakhirkii ay guusha raacday kooxda Aargo.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xamaasad badan ayaa waxaa kasoo qeybgalay kumannaan qof oo reer Kismaayo ah oo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga Isboortiga ee gobolka jubada hoose.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobalka Jubbada Hoose Cabdulaahi Ducaale (Big) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tartankani uu ahaa mid lagu dhiirigelinayo Nabadda, wuxuuna xusay in uu kusoo dhamaaday si aad u wanaagsan islamarkaasina Koobkii ay ku guuleysatay kooxda aargo, isagoona ka codsaday qurbajoogta u dhalatay gobolka jubada hoose in ay ka qeybqaataan horumarinta Isboortiga gobolka jubada hoose.

Ciyaartooyda kooxda Aargo ayaa ugu danbeyntii lagu wareejiyay Koobkii tartanka iyadoona kooxda iyo taageerayeesha ay gudaha garoonka ku sameeyeen dabaaldeg aad u sareeya, waxaana sidoo kale ay taageerayaasha kooxda Aargo oo sitay boorar ay ku xardhanyihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ay socod dheer kusoo mareen qaar katirsan wadooyinka waaweyn eee magaalada Kismaayo.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa si wayn u soo dhaweeyay  tartamada kubadda Cagta ee dib uga billowday gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa la sheegayaa in tartankan ka soo baxeyn ciyaartooy badan oo mustaqbal ku leh kubadda cagta sida ay lee yihiin saraakiisha ciyaaraha magaalada Kismaayo.

Gobalka Jubbada Hoose waxaa ka soo baxay ciyaartoy badan oo ka mid noqday kooxda Qaranka Soomaaliya, waxaana uu ku guuleestay toddobo jeer koobkii gobalada dalka, halka gobalada kale ay ku guuleesteen 7-jeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here