Kismaayo oo la duqeeyey

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay afar kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki markab dagaal uu duqeeyey xalay magaalada Kismaayo.

Dhowr madfac ayaa ku dhacday gudaha magaalada Kismaayo taasi oo keentay in dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaarto dadka rayidka ah sida ay wararka sugani sheegayaan.

Markabka oo aanan la ogeyn cida iska leh ayaa madaafiicda bilaabay wax yar kadib marki ay Al Shababab garneelo iyo hubka lidka diyaaradaha ku tuureen kadib marki uu kusoo dhawaaday xeebta.

Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi oo kasoo jeedo Kismaayo ayaa ku eedeeyey Al Shabab in ay sababeen dilka dadka rayidka ah, maadaama buu yiri ay madaafiic ku rideen markabka kadibna uu isagu jawaab kasoo bixiyey.

Waa marki labaad oo maraakiib dagaal ay duqeynayaan magaalada Kismaayo sanadkaan gudahiisa, laakin duqeynbti koowaad hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here