Kismaayo oo caawa bandow ah

images (1)Wararka caawa naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in magaalada lagu soo rogay Bandhow ah kaddib markii xalay Al-Shabaab gudaha magaaladaasi dil ugu geysteen taliyihii nabad sugida maamulka KMG ah ee Jubba, Ciise Kambooni.

Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in xaafadaha kala duwan ee Kismaayo maamulka Jubba caawa ay ku soo daadiyeen ciidamo aad u badan.

Dhinaca kale, magaalada waxaa ka dhacay dilal loo geestay dad shacab ah, ku dhawaad sagal qof ayaa lagu dilay magaalada 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaana dilalka ugu badan geestay ciidamada Maamulka Juba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here