Kismaayo: Ciidamo la wareegay xaruuntii doorashada aqalka Hoose

Kismaayo
Kismaayo

Sida ay xaqiijinayaan wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xaruunta maamulka Jubbaland, Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay xaruuntii ay ka dhaceysay doorashadaa qalka Hoose.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxayna saaka si lama filaan ah u tageen xaruntii maalmaha ay ka socotay doorashada Aqalka Hoose, halkaasoo ay gebi ahaan isku gadaameen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dadaalo ugu jiraan sidii ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa inay isaga baxaan xarunta, si maanta doorashooyinka aqalka hoose uga dhacaan.

Lama soo sheegin wax isku dhaca ah oo dhex maray ciidamada gadoodsan iyo ciidamadii sugayay ammaanka xarunta, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemay gadoodka ay sameeyeen ciidamo ka tirsan Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here