Kismaayo: Ciidamada Barre Hiiraale oo lagu wareejiyay taliska Itoobiya

14605261626aa1350 Askari oo ka tirsanaa ciidamadii Barre Hiiraale, oo shalay la geeyay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada Itoobiya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.

Ciidamadan ayaa laga soo kaxeeyay deegaanka Sabca Ashraaf oo ka tirsan Goobweyn, waxaana lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya.

Markii shalay ciidamadaasi lagu wareejinaayay ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka dhashay buuq, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay isku qabsadeen cida lagu wareejinaayo ciidamadaasi.

50 Askari ayaa deegaanka Sabca Ashraaf waxaa ka soo kaxeeyay ciidamada Amisom, iyadoo ugu dambeyn lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya.

Horay ayaa ciidamada Kenya waxaa loogu wareejiyay ciidan ka tirsanaa kuwii Barre Hiiraale, kuwaasi oo lagu xareeyay Jaamacada Magaalada Kismaayo.

1460526134be9d3 14605261289dcb7 14605261360e0a8 14605261579be0c 14605261591c6a4 14605261626aa13 146052616450059 add714716fdf64dee4f8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here