Kismaayo: Ciidamada amaanka oo fashilyay qarax wasiir lala rabay

Magaalada Kismaayo
Kismaayo oo looga diyaar-garoobayo soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha

Ciidamada amaanka Magaalada Kismaayo ayaa galabta fashiliyey qarax miino oo lagu xidhay Gaariga Wasiirka arrimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamed.

Ciidamada amaanka ayaa markii ay qaraxa fashiliyeen kadib waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen labo askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in Qaraxa ay gaariga ku xireen.

Waxaa saacado kooban hawada laga saaray Isgaarsiinta magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Qarax lagu xiray xili wasiirka uu ku sugnaa Gurigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here