Killidaada maku badalan laheyd mobile-ada iPhone iyo iPad !?

Shan ruux ayaa lagu xiray koofurta dalka China kadib marki ay ku qalqaaliyeen wiil dhowr iyo toban jir ah inuu mid ka mid ah kelyihiisa iibiyo si uu usoo gato telfoonada kala ah iPhone iyo iPad.

Dadka la xiray ayaa waxaa ku jira dhaqtarkli qaliinka sameeyey bishi April ee sanadki hore.

Wakaalada wararka China ee Xinhua ayaa ku warantay in kooxda ka danbeysay arintaasi in ay heleen lacag dhan $35,000 oo u dhiganta (£22,000).

Qofka laga bixiyey killida oo ah arday ayaa la sheegayaa in uu iminka la daalaa dhacayo xanuuno dhanka kalida ah sida ay sheegayaan xeer beegta gobolka Hunan ee koonfurta China.

Wiilka killiada laga bixiyey ayaa magaciisa lagu soo gaabiyey Wang, waxaana marki la wareestay uu sheegay in lacagta laga siiyey $3,000, isaga oo intaasi ku daray in marki ugu horeysay laga tashkiiliyey bog ay dhalinyarada ku sheekestaan oo internet ah.

Kooxda ka danbeysay falkaas ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay geysteen dhaawac caalami ah iyo in ay ka ganacsadeen xubin bani,aadan oo sharci darro ah.

Dalka China, waxaa qaali ka ah kunwa weyn dadka qaarkii telfoonada gacan qaadka ah ee ay soo saarto shirka Apple ee kala ah iPhones iyo iPads.

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.