Khilaafka Xilibaanada Baydhabo ku sugan oo sii xogeystay

Xili magaalada Baydhabo uu ku suganyahay, gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, oo manta halkaas kulamo kula leh, masuuliyiin, waxgarad, Xilibaano iyo saraakiisha Ciidamada Ethiopia, ayaa waxaa soo baxaya inuu sii xoogeysanayo Khilaafka ku aadan maamulka dhawaan ay doowlada u magacaawday gobolka Bay.

Mustaf Isaaq, oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka, kuna sugan magaalada Baydhabo, oo lahadlayay warbaahinta, ayaa qiray inuu sii xogeystay khilaafka u dhaxeeya xilibaanada kasoo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool, waxa uuna sheegay in xilibaanadaas ay ku kala afkaar duwanyihiin maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Bay.

Xilibaanada qaar ayaa qaba figrada ah in isbadal lagu sameeyo maamulkii hore ee katalin jiray Bay, halka kuwo kalena ay kasoo horjedaan isbadalkii uu dhawaan gudoomiyaha baarlamaanka ku sameeyay maamulkaas, waxayna xilibaanadan qabaan inaan waxbo lagabadalin, oo sidiisa lagu sii daayo.

“Fikirkaas aad baa loogu kala duwanyahay, walina nin walbo fikirkiisa ayuu ku dhaganyahay” sidaasi waxaa yiri Xilibaan Mustaf Isaaq.

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta gobolka Bay, ayaa hada waxaa ka soconaya kulamo hoose, kuwaasoo laysugu dhaweeynayo fikirada kala duwan ay qabaan, xilibaanada kasoo jeeda halkaas.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here