Khilaafka u dhaxeeyo RW Saacid & M/weynaha oo meel Xasaasi ah maraya+Warbixin

images (2)Saacadba saacada ka danbeysa waxaa soo baxaya warar hor leh oo la xiriira Khilaafka soo kala dhex galay M/weynaha DFS & R/wasaarihiisa Mr Saacid.

Labada masuul ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxay la tashiyo iyo shirar kala gooni gooni ah la lahaayeen taageerayaashooda iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

M/weyne Xasan Shiikh, ayaa lagu soo waramayaa inuu xalay madaxtooyada kulamo kula qaatay xubno katirsan Golaha Wasiirada, kuwaasoo u badan Ururka Dam-jadiid, waxaana kulankooda sida la sheegay ay ku gorfeeyeen qaabkii looga taqalusi lahaa R/wasaare Saacid oo isaga si cad ugu gacan seyray dalab uga yimid M/weynaha kaasoo ahaa inuu is casilo.

Ilowareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada, ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in kulankii xalay ka dhacay Madaxtooyada lagu go’aamiyay ineey is Casilaab dhowr wasiir, kuwaasoo u badan Ururka Dam-jadiid.

wasiirada ineey Casilaan laga yaabo:

  • Faarax C/qaadir, oo ah Wasiiru doowlaha Madaxtooyada.
  • C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arimaha Gudaha.
  • Foowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirada Arimaha Dibada.
  • C/xakiin Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga.
  • Jamaal Baroow, oo ah wasiir ku xigeenka A.dibada.

Sidoo kale wasiirada ineey is casilaan laga yaabo waxaa kamid ah, Wasiiru doowlaha dibada, wasiir ku xigeenka Cadaalada iyo wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga.

Dhanka kale R/wasaare Saacid, ayaa lagu soo waramayaa inuu isagana kulamo joogto ah la leeyahay lataliyaashiisa, iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka oo isaga taageersan, waxaana la sheegay inuu wacad ku maray inuusan is casili doonin, islamarkaasna uu Baarlamaanka u bandhigi doono arintaan.

R/wasaare Saacid, ayaa Facebookiisa waxa uu ku soo qoray Fariin uu Taageerayaashiisa Muqdisho ugu baaqayo ineey is dajiyaan, taasoo banaanka soo dhigeysa inuu jiro Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay isaga iyo M/weynaha.

“Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheeyda Muqdisho ku sugan in ay is dajiyaan dulqaadna muujiyaan. Mahadsanidiin” ayuu R/wasaare Saacid kusoo qoray bartiisa qaaska ah ee Facebooka.

Dibad-bax la baajiyay:

Dhanka kale Ciidamada Madaxtooyada, ayaa lagu soo waramayaa ineey saakay kala eryeen dad dibax-bax dhigayay, kuwaasoo sida la sheegay taageersanaa R/wasaare Saacid.

Dibad-baxayaasha ayaa la sheegay ineey isku aruursanayeen agagaarka Barxada Sayidka, waxaana kala eryay Ciidamo Koofi Gaduud ah oo sida la sheegay laga soo diray Madaxtooyada.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here