Horjoogayaal Abuu Cubeyda ka dalbaday inuu is casilo

Hogaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubeyda
Hogaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubeyda

Tan iyo markii ay duqeyn cirka ah ku dileen Diyaaradaha Mareeykanka Hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa waxaa sii xoogeeysanayay khilaafka dhanka fikirka ah ee u dhaxeeya madaxda sar sare ee kooxda.

Khilaafka u dhaxeeya kooxda Al-shabaab ayaa xoogeeystay, kadib markii horjoogayaal iyo maleeshiyo katirsan kooxda ay ku biireen ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Syria,Iraq iyo Libya.

Khilaafka oo Bilihii ugu dambeeyay ahaa mid taagan ayaa hada xoogeystay, kadib markii qaar kamid ah saraakiisha ugu sareysa kooxda ay hogaamiye Abuu Cubeyda usoo jeediyeen inuu fuliyo 3 qodob, hadii kale ay kooxda gabi ahaanba bur bureyso.

Hogaamiyaha kooxda Abuu Cubeyda oo ka jawaabaya dalabka qaar kamid ah saraakiishiisa sarsare ee kooxda, ayaa kullan aan caadi ahayn la qaatay, si uu uga dhaadhiciyo inaan la bur burin kooxda islamarkaasina ay soo gudbiyaan waxa ay tabanayaan si loo xaliyo.

Qodobada ay horjoogayaasha ka dalbadeen Abuu Cubeyda:

  • In Ergo loo diro horjoogayaashii ka gadooday Al-shabaab ee ku biiray Daacish.
  • In Abuu Cubeyda uu raali gelin ka bixiyo sameynta ficiladii dhaliyay in horjoogayaasha gadoodaan.
  • In Abuu Cubeyda uu is casilo maadaama uu ku guul dareystay mideynta kooxda.

Hogaamiyaha kooxda Al-shabaab Abuu Cubeyda, ayaan ilaa iyo hada si rasmi ah uga jawaabin dalabka 3da qodob ah ee loo soo jeediyay, waxaana hada xaalada ay mareysaa meel aad u adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here