Khilaafka au dhaxeeya R/wasaare Kheyre & Wasiirkiisa arr. Gudaha oo meel xun gaaray

Warar Hoose oo ay heleyso Midnimo.com ayaa sheegaya inuu heerkiisi ugu sareeyay gaaray Khilaafka u dhaxeeya R/wasaare Kheyre iyo wasiirkiisa arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, waxaana wararka ay intaas ku darayaan in wasiirka uu ku hanjabay inuu is-casilayo.

Khilaafka u dhaxeeya labada nin ayaa markiisi hore kasoo bilaawday xil ka qaadis uu wasiir Juxa ku sameeyay xoghayihii joogtada ee wasaaradda arrimaha gudahaYaxye Cali Ibraahim, taasoo R/wasaare Kheyre uu si weyn uga hor-yimid, waloow markii dambe uu Yaxye aqbalay xil-ka-qaadista lagu sameeyay.

Balse Khilaafka R/wasaaraha iyo wasiirkiisa ayaa markale circa isku sii shareeray, kadib markii uu R/wasaaraha uu nin ay xigto yihiin u magacaabay la-taliyaha arrimaha Gudaha, tallaabadaas oo uu cabdi Faarax Juxa si weyn uga carooday una fahmay howshiisa shaqo lagu soo faragelinayo.

Sidoo kale Khilaafka labada nin ayaa sii xoogeystay markii uu R/wasaare Kheyre wasaaradda arrimaha gudaha u magacaabay Guddi, taasoo markale uu Juxa si aan ganbasho lahayn uga biyo diiday isagoo shirkii u dambeeyay ee Golaha wasiirada si cad ugu sheegay R/wasaaraha inuusan marnaba aqbali doonin in Guddi laga hoos sameeyo wasaaradiisa.

Ugu dambeyn Wasiirka arrimaha gudaha ayaa R/wasaaraha ugu hanjabay inuu ka laabto Guddiyada uu magacaabay ama iska casili doono jagada wasiirka arrimaha Gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here