Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha & Ra’iisul wasaaraha

cumar-iyo-XasanWararka naga soo gaaraya Villa-Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Xalay si deg deg ah ugu yeeray Ra’iisul Wasaare Cumar, islamarkaasina la baajiyay shir ay lahaayeen Golaha wasiirada oo lagu ansixin lahaa Safiiradii ugu badnaa.

R/wasaaraha ayaa ka tegay xafiiskiisa isagoona shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan, taasoo sababtay in shirkii xalay ee Golaha wasiirada la baajiyo, kadib markii ajandayaashii la qeybiyay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ka war helay, in R/wasaaraha uu Safiiro kale soo qortay oo aan ahayn kuwii ay ku ballameen, taasoo keentay in Madaxweynaha uu daqiiqadihii ugu dambeeyay u yeero R/wasaaraha.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga waxa uu kusoo dhamaaday shirkii u dhaxeeyay R/wasaaha iyo M/weynaha, laakiin dhinaca kale waxaa la xaqiijiyay inuu fashilmay qorshihii uu R/wasaaraha ku magacaabi lahaa Safiiradii ugu badnaa ebid ee hal mar miiska la saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here