Khilaaf soo kala dhex galay burcad badeed oo sababay dhimashada nin Taiwan ah

Burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay uu sababay in gacan kahadal uu dhex maro kadibna rasaastii la isku ridey uu ku geeriyoodo mid kamid ah dad ay afduub u haysteen.

Ninkan dhintey oo lagu sheegay in dhalashadiisu ay ka soo jeedo dalka Taiwan ayaa u dhintey dhaawac ka soo gaaray rasaastii la isku riday.

Burcad Badeedan ayaa la sheegay in ay ku sugneyd degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaana lagu macneeyey khilaafka soo kala dhex galay inuu ahaa sidii laga yeeli lahaa dad ay madax furasho u haysteen muddo dheer oo aan wax jawaab ah laga helin dadkii eheladooda ahaa.

Qaar kamid ah ayaa ku gaaray go’aan inay siidaayaan markabka iyo dadka ay haystaanba halka qaar kalana ay diideen.

Qaar kamid ah kooxdan burcad badeeda ah ayaa sheegay in ay ka xun yihiindhimashada ninka ay afduubka u haysteen balse ninkii ka dambeeyey dilkiisa ay gacanta ku hayaan.

Lama oga sababta ay gacanta ugu hayaan burcad badeeda ninka dilka geystey iyadoo la ogyhay in howsha ay ku gudojiraan ay tahay sharci darro.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in burcad badeed haystay markab laga lahaa dalka Iran oo ay saarnaayeen sokor la sii daayay kadib markii muddo toddobaad ay haysteen.

Lama oga sababta keentay sii deynta markabkan hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in qasab lagu soo furtay markabkan.