Khilaaf ka taagnaa sida loo qaybsanaayo ergooyinka shirka Kismaayo oo xal laga gaaray

Sida ay soo sheegayaan wariyaasha ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa ay u badan tahay in xal laga gaaray khilaaf ka taagnaa qeybsiga ergooyinka dooraneysa baarlamaanka uu yeelan doono maamulka Jubbaland.

Magaalada waxaa maalmahan ka socday shirar iyo kulamo gooni-goono ah, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid odayaasha ka qaybgalaya shirka maamulka u sameenta Jubbooyinka in ay ka baxeen halka shirka uu ka socdo ee Jaamacadda, markii ay saluugeen qaabka loo qaybsanaayo ergada soo xulaneysa baarlamaanka iyo madaxweynaah maamulka cusub.

Guddoomiyaha guddiga farsamada ee shirka ka socda Kismaayo Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa maanta saxaafadda ugu sheegay Kismaay in dhowaan la xareyn doono ergooyinka, isagoo xusay in la soo afjaray khilaaf la xiriiray qeybsiga ergooyinka maadaama ay jireen beelo saluugay qeybta ay ka heleen wakiillada dooraneysa baarlamaanka.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale rajo fiican ka muujiyay in muddo toddobaad ah la soo gunaanadi doono shirka Kismaayo ka socda ee maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhinaca kale, waxaa maanta garoonka diyaaradaha Kismaayo laga soo celiyay wafdi ka tagay magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in ay doonayeen in ay tagaan halkaas.

Diyaaradda ayaa lagu wargaliyay inaysan ka soo dagi karin garoonka Kismaayo, sidaasna waxaa ku amaray ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo” sidaas waxaa yiri Maxamed Amiin C/llahi oo horrey u ahaa xildhibaan baarlamaan.

Ammaanka magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta magaalada la dhigay ciidamo fara badan sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here