Kheyre oo Nairobi kullan kula qaadanaya Uhuro Kenyata

Sida lagu daabacay wakaaladda wararka SONA Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Xasan Cali Kheyre Raiisul wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha iyo  Amniga.

Labada dal ayaa horay u galay heshiisyo kala duwan oo la xiriiray ganacsiga iyo socdaalka, inkastoo qeybo ka mid ah heshiiskaas aanu dhaqan gelin.

Kulamada labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha la dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, iyadoo Kenya ay qeyb ka tahay howlgalka AMISOM oo Ciidamo kumanaan askari ka joogaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here