Khasaarihii ka dhashay dagaalka Baled-Xaawo oo la shaaciyay

Xarakada Alshabaab aya dhawaan weerar culus ku soo qaaday magaalada Baled-Xaawo, iyadoo xarakada Magaalada maamuleysay wax ka yar laba saac.

Dagaalka wuxuu dhexmaray alshabaab oo weerar ahaa iyo ciidamada Dowlada iyo Ahlu suna oo dhinaca ah.

Hadaba dadka ku dhintay ayaa la shaaciyay, waxaana tirada dhimashada la sheegay inay ahayd 12 ruux oo isugu jira kooxohii dagaalamay iyo Dad Shacab ah.

“Kooxaha qaswadayaasha ah ayaa weerar kusoo qaaday Balad-xaawo xili galab ah, dagaal culus kadib ciidamadeena guul daro ayay dhabark usaareen cadowgii, waxaana lagarsiiyay qasaaro xooggan” sdas waxaa sheeegay Diyad Abdi Kalil oo kamid ah Saraakiisha dowlada ee Gedo lana hadlay Wakaalada  AFP.

“Al-Shabaab waxaa ay magaalada kasoo weerareen sedex jiho gudaha magaalada ayuuna dagaalka ugu xoogan ka dhacay, iyaga ayaana magaalada la wareegay, hase ahaatee dib ayay ciidamada usoo laabteen, waxaana ku dhintay dagaalka 12 ruux” ayuu isagana sheegay  Sadik Mohamed oo kamid ah dadka deegaanka B/Xaawo.

Wariye madx banaan oo la hadlay Warbaahinta Midnimo.Com ayaa sheegay inuu arkay meydad gaaraya ilaa 14, kuwasoo xirnaa Labsiyada Xoogaga Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada.

Marki Baled-Xawo ay gacanta u gashay waxaa qal qal galay Kenya oo Xuduud la wadaagta Magaaladaasi,w axaana isla marki xirmay isku socodka labada magaalo, kadib marki ay Kenya soo food saartay cabsi lixaad leh.

Xaalada Baled-Xaawo ayaa hada dagan, waxaana gacanta ku haya Ciidamada Dowlada Soomaaliya, iyado la filan karo weerarki la mid ah kii maalin hore ay soo qaadeen xoogaga Alshabaab oo wali ka arimiya Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here