Khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay oo isa soo taraya iyo dhimashada oo gaartay 30

Sida aan ka heleeyno xaruumaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho, waxa sii kordhaya dhimashada dadkii shalay ku dhintay qaraxyadii iyo weerarkii ay Al-shabab ka gaysteen Maxkamada gobolka Banaadir, waxaana hada dhimashada ay gaareeysaa ilaa 30 ruux, kuwaasoo u badan dad shacab ah oo aan waxbo galabsan.

Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, ayaa lagu eedeeyay in shalay gawaarida gurmadka dag daga ay ka horjoogsadeen ineey soo qaadaan dadkii dhaawaca aha ku jiray xaruunta dhismaha maxkamada gobolka, sida uu xaqiijiyay mid kamid wadayaasha gaadiidka gurmadka deg dega.

Kooxda Al-shabaab, oo iyagu looga bartay in had iyo jeer ay sheegtaan masuuliyada weerarada lagu laayo shacabka Soomaaliyeed, xirirkana la leh Al-qacida, ayaa sheegtay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Niman ilaa 9 ah, oo qaarkood ay ahaayen kuwo jirkooda kusoo xiray waxyaabaha qarxa, ayaa shalay gudaha u galay xaruunta dhismaha maxkamada gobolka banaadir, halkaas oo ay qaar kamid ah isku qarxiyeen, halka kuwo iyaga kamid ahna ay si safmar ah rasaas ula dhaceen dadkii ku sugnaay gudaha Maxkamada.

“Gaadiidka gurmadka waxaan ku qaadnay meydad gaaraya ilaa 30, iyo 20 dhaawac ah” sidaa waxaa wakaalada wararka Reuters u sheegay mid kamid ah wadayaashaa gaadiidka gurmadka oo diiday in magaciisa lasoo xigto sababo amaan dartood.

Sidoo kale waxaa shalay la weeraray mid kamid ah gawaarida shaqaalaha hay’ada bisha Cas ee Turkiga, kaasoo lagu dhuftay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, xili uu ku socday wadada katimaada garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaas ku dhintay labo kamid ah Samafalayaasha Turkiga, iyo 4 kaloo Soomaali ah oo lasoctay samafalayaasha.

Amaanka magaalada Muqdisho, ayaa ahaa mid aad usoo hagaagaya tan iyo markii ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa doowlada Al-shabaab ka saareen magaalada 2011 bishii Augosto.

Laakiin si walbo oo ay ahaato, weerarkii shalay ka dhacay magalada Muqdisho waa mid fashil ku ah laamaha amaanka doowlada, oo iyaga horay looga digay ineey dhici doonaan weeraro qorsheysan, waxaana digniintaas isbuucyo kahor soo saartay wasaarada arimaha dibada dalka Britain.

Madaxweyne Xasan Shiikh, oo xalay shacabka kala hadlayay warbaahinta doowlada, ayaa ku dhawaaqay dagaal cusub oo ay doowladiisa lagali doonto Al-shabaab, waxaana uu shacabka ka dalbaday ineey garab ku siiyaan.

 

“Colaada shabaab, iyo gumaadka ay shacabka ku haayaan waa nagu dheeraataye, yeeynaan ukala harin, nuuca dagaalka ah ee aad maanta aragteen wuxuu calaamad u yahay shabaab ineey jabeen, ineey guul dareysteen, ineey waayeen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, waa inaan dadajinaa guuldaradooda,waxaana naga xigta hadba sida aan isu kaashano”. Ayuu yiri madaxweynaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here