Hey’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay ku raad joogto Ragii dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inay wadaan Baaritaano al xiriira dilkii Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Axmed Nuur Awdiin, kaasoo saaka ay dileen kooxo hubeysan.
Kooxo hubeysan ayaa saaka aroortii dilay Gudoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa, waxaana ilaa hada socda baaritaano la xiriira dilka Gudoomiyahaasi.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.