Khalif Axmed Ereg: Howlgalki maanta waxaan ku qabanay 1,8000 ruux

Taliska nabadsugida gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey howlgalo ay maanta ka sameeyeen degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka nabadsugida ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howlgalo culus oo ay ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa, Daayniile iyo Wardhiigleey kusoo qabteen dad gaaraya 1,800 oo ruux balse ay kala baxeen 130 ay ku xaqiijiyeen in ay ahaayeen Al Shabaab.

“Maanta waxay ciidamada qalabka sida ka howlgaleen goobihi laga eryey Shabaab, goobahaasi waxaan ku guuleysanay in aan baarno afar dagmo oo kala ah, Wardhiigleey, Yaaqshiid, Daayniile iyo Heliwaa, waxaan kusoo qabanay dad fara badan iyo qalab, dadka waxay gaarayaan 1,800 oo ruux dadkaas waxaan ka helnay 130 aan xaqiijinay in ay ahaayeen Al Shabaab waxaana ay heli doonaan waxa ay mudanyihiin,” ayuu yiri.

Howlgalkaan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa oo kale ah oo ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ka sameeyaan magaalada Muqdisho tan iyo marki ay dib ula wareegeen sanadki hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.