Khalid Sheikh Mohammed oo dib loogu soo celinayo maxkamad

Khalid Sheikh Mohammed oo loo heysto inuu ahaa ninki isku daba riday weeraradi lagu qaaday Mareykanka 9/11 iyo afar kale ayaa lagu wadaa in la hor keeno maxkamad milatari oo ku taala xabsiga Guantanamo Bay.

Isku day uu maamulka Barack Obama ku rabay in maxkamad gaar ah lagu soo taago ayaa dhicisoobay sadex sano ka hor,  waxaana taasi ka danbeeyey sharciyo cusub oo ku aadan xabsiga Guantanamo kaasi oo ah in la mamnuucay cadeymaha maxaabiista looga dhaliyo jirdilka.

Dadaalki President Obama ee ahaa in maxkamad madani ah lagu saaro Khalid Sheikh Mohammed magaalada New York ayaa u istaagay kadib marki uu mucaarado balaaran kala kulmay meelo kala duwan.

Dacwadan ayaa waxaa qeyb ka ah afar ruux oo iyana lagu eedeynayo in ay lug weyn ku lahaayeen weeraradi Al Qaacida ee sanadki 2001.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.