Khadiijo M.Diiriye oo sheegtay ineey Mooshin ka gudbinayaan Tuuryare

khadiijoKhadiijo Maxamed Diiriye, oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka dhawaajisay in kullanka soo socda ee Baarlamanka ay mooshin ka gudbinayaan taliyaha ciidamada Nabadsugida Cabdiraxmaan Tuuryare.

Xildhibaanad Khadiija oo maanta hadal ka jeedisay kullan Su’aalo lagu weeydiinayay R/wasaaraha, ayaa si weyn u dhaliishay Taliyaha NISA Tuuryare, waxayna ku eedeeysay inuu diiyay inuu hor yimaado golaha shacabka.

“Maanta waxba kaama rabno mudane R/wasaare, laakiin taliyaha Nabadsugida oo wasiirkiisii golaha Baarlamaanka keeni waayay, waxaan kaa rabnaa shirkaan marka uu dhamaado Mooshinkiisa ayaan gudbineynaa ee waa inaad soo dirtaa Golaha” ayay tiri Xildhibaanad Khadiija.

“Maalin Taliye Tuuryare kaligiis ah ayaan rabnaa” ayay sii raacisay Xildhibaanada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here