Key oo golaha amaanka QM uga warbixiyay xaalada Soomaaliya

Nicholas Key
Nicholas Key

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key ayaa golaha ammaanka QM u sheegay in xaalada ammaanka ee magaalada Muqdisho ay sii xumaaneyso dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Key ayaa tilmaamay Al-Shabaab in ay xoojisay weerarrada ay ka geesaneyso caasimada Muqdisho, isagoona soo xigtay weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, baabuur ay la socdeen saraakiil ka tirsan QM oo lagu weerarray garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kii ka dhacay afaafka hore ee xarunta sirdoonka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay Mr. Key in ciidanka qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howgallo xoogan ay ka fuliyeen goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Wuxuu ka hadlay oo kale maamulka Koonfur galbeed ee laga dhisay magaalada Beydhabo ee gobalka Baay.

Mr. Key ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamulada ka dhisan dalka in looga baahan yahay in ay dhaqan galiyaan nidaamka fedaraalka si sannadka 2016-ka doorasho ay uga dhacdo Soomaaliya.

Ugu dambeyn wakiilka xoghayaha guud QM ee Soomaaliya, wuxuu golaha ammaanka QM iyo hey’addaha caalamka ugu baaqay in caawiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dagaallo culus kula jira Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here