Kenya:Uma dulqaadan doono dhibaatada Al-shabaab

Doowlada wadanka Kenya ayaa sheegtay ineeysan u dulqaadan doonin faragalinta Al-shabab ay ku hayso amaanka dalkeeda.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Kenya, ayaa sheegay in Kenya ay diyaar u tahay ineey ka difaacdo cid kasta oo kusoo gardaroota amaanka dalkaas, oo ay kamid yihiin Xarakada Al-shabaab.

Wasiirada Gaashaandhiga Kenya, ayaa sheegtay, in Milatariga Kenya ay si dhow Isha ugu hayaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee Soomaaliya.

Wasiirada Gaashaandhiga dalka Kenya oo ka hadleysay xaflad lagu maamuusayay maalinta Caalamiga ah ee Ciidamada Nabad ilaalinta QM, ayaa Ciidamada Kenya ku amaantay sida wanaagsan oo ay shaqadooda uga gudanyaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in Ciidamo Nabad ilaalin ah oo Kenya kasocda, ay hada ku suganyihiin wadamada, Sudan, Kongo, Liberia, iyo Soomaaliya.

Wasiirada Gaashaandhiga dalkaas Omaamo, ayaa carabka ku adkeeysay, in Kenya ay diyar u tahay iney ka qayb qaadato howlgalada QM, islmarkaasna meel walbo ay ku baahinayaan.

Kenya ayaa tan iyo markii ay Ciidamadeeda usoo dirtay gudaha dalka Soomaaliya, dabayaqadii 2011 waxay la kulmeysay weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal, oo ay Al-shabaab ka fulinayeen, kuwaasoo ku hanjabay in Kenya ay ka aargudsan doonaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here