Kenyatta oo shaaciyay in dalkiisu uu ka taageerayo DF Somalia dhismaha Maamullada Jubbooyinka

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar la tahay taageero la siiyo dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ka sheegay magaalada Addis Ababa oo uu ka socdo shirka ay lee yihiin madaxda midowga Africa, in dowladiisu ay ka taageeri doonto qorshaha maamullo u sameynta gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in  ciidamada kenya ee ku sugan Kismaayo ay qayb ka qaadan doonaan dib dajinta Soomaaliya.

“Waxaan la dhacsanahay howsha ay dowladda Soomaaliya ka waddo gudaha iyo dibadda dalka, kuwaasoo ay ugu adeegayso shacabka Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in la arko Soomaaliya oo dib cagaheeda ugu istaagta,” ayuu yiri Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay ciidamada Kenya ee ka mid ah AMISOM oo ku sugan Jubbada Hoose ayuu sheegay in howshoodu ay tahay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u soo celinta amniga Soomaaliya.

“Ciidamada Kenya waxay qayb ka yihiin howgalka Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya, doorkooduna waa inay ka caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen nabadooda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Si kastabaha shaley ayey ahayd markii madaxda dalalka IGAD oo ku shiray Addis Ababa kuwaasoo isku raacay in shirkii ka dhacay Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn dastuurka dalka ayna diyaar u yihiin inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhismaha maamullo ay yeeshaan gobollada Jubbooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here