Kenyatta “Al Shabaab Qaarada Africa ayey Dhib ku hayaan”

 hit counter Google President Uhuru Kenyatta mourns Somali MP killed in bomb attack

President Uhuru Kenyatta 

M/weynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay shirka Q,m ee ka socda magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Xarakadda Al-Shabab ay dhibaato weyn ku tahay ajandaha hormarka qaaradda Africa ee la hiigsanayo sanadka 2015.

Uhuuru Kenyatta waxaa uu sheegay in Al-Shabab ay si weyn dhibaato ugu yihiin amaanka iyo hormarka wadamada ku yaala bariga Africa waxaana uu intaa ku daray inay dhibaato yihiin amaanka, hormarka iyo xasiloonida ay doonayaan inay sameynayaan dadka ku nool bariga Africa.

“Marka loo eego falalka argagax galinta ah iyo handadaada wadamada qaar ay ku hayaan waxay sabab u yihiin inay caqabad ku yihiin ajandayaasha hormarka qaaradeena Africa” ayuu yiri Uhurru Kenyatta M/weynaha Kenya.

Hogaamiyaasha caalamka ee ka qeyb galaya shirka Q,M ayuu ugu baaqay inay dawlada Soomaaliya ka caawiyaan dadaalka ay ugu jirto nabadaynta dalka iyo dagalka ka dhanka ah Al-Shabab.

Kenya waxay ka mid tahay dawladaha sida weyn ula dagaalama Al-Shabab oo iyaguna aad u xanuunjiya Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here