Kenya:Guusha Uhuru Kenyata Maxay Uga Dhigantahay Afrika

Uhuru Kenyata, oo ah ninka ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday wadanka Kenya, islamarkaasna ay doon dooneyso maxkamada danbiyada dagaalka ee {ICC}, kadib markii lagu eedeeyay inuu lug ku lahaa rabshadihii wadanka Kenya ka dhacay 2007-2008, sidoo kale ku xigeenkiisa ahna saxiibkiis William Rutu, ayaa isna loo haystaa danbiyo ah inuu qayb ku lahaa rabshadihii dhiiga badan ay ku daateen kuwaasoo la’aaminsanyahay ineey ku dhinteen dad kabadan 1,000 qof.

Dhamaan madaxda Afrika, ayaa usoo hanbalyeeysay madaxweyne Uhuru Kenyata, kaasoo codad dhan 50.07%, ugu guuleystay ninka ay sida weyn u loolamayeen Raila Odinga, kaasoo dhankiisa diiday natiijada ay ku dhawaaqeen gudiga doorashooyinka wadanka Kenya, waxa uuna sheegay inuu dacwadiisa u gudbin doono maxkamada sare ee wadankaas.

Waxaa jiro cadaadis dalka Kenya kaga imaanaya wadamada reer galbeedka iyo mareeykanka, kuwaasoo guusha Uhuru Kenyata u arka mid dhib ku noqon doonta xirirka uu dalkaas la leeyahay beesha Caalamka, mana jirto ilaa iyo hada wax hanbalyo ah oo ay madaxda reer galbeedka usoo direen madaxweyne Uhuru Kenyata, taasoo muujineysay in reer galbeedku aysan dooneen in Afrika ay u madax baneeyaan ineey iyaga isdoortaan gaaraana go’aanada mustaqbalkooda.

Kenyata oo khudbad dheer jeediyay markii lagu dhawaqay inuu isaga ku guuleystay doorashada wadankaas, ayaa waxa uu sheegay inuu si hufan ula dhaqeyn doono maxkamada ICC, sidoo kale waxa uu sheegay inuu ixtiraami doono dimoqraadiyada shacabka Kenya.

Kaaliyaha xogyahaya arimaha dibada Mareeykanka u qaabilsan arimaha Afrika, Johnie Carson, ayaa kahor doorashada dalka Kenya uga digay shacabka wadankaas ineey doortaan shaqsiyaad danbiyo ku eedeeysan islamarkaasna laga doon doonayo ICC, sidoo kale R/wasaaraha dalka Britain Cameron, ayaa dhankiisa digniin taas lamid ah soo jeediyay, waxaana uu sheegay in hadii la doorto Uhuru Kenyata, taas ay dhaawici doonto xiriirka Kenya iyo London, laakiin shacabka Kenya ayaa ugu danbeynti doortay madaxweynihii ay doonayeen kaasoo noqday uhuru Kenyata, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee wadankaas Jomo Kenyata.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here