Kenya:diyaar uma nihin inaan qabsano dhul Soomaaliyeed

Ilyaas_barre-ShiilDoowlada Kenya ayaa sheegtay ineeysan diyaar u ahayn ineey qabsato dhul Soomaaliyeed.

Xilibaan Ilyaas Barre Shiil oo kamid ah mudanayaasha dalka Kenya, ayaa waxa uu si cad uga hadlay ineysan Ciidamada dalkooda dooneyn ineey gacanta ku dhigaan Taako kamid ah dalka Soomaaliya.

Ilyaas Barre Shiil, ayaa hadalkaan ka jeediyay Kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka qayb galeen Xubno siyaasiyiin ah oo R/wasaarayaal dalka horay uga soo noqday oo maalmahaan Olole siyaasadeed oo ay Kenya gadaal ka riixeyso ka waday Nairbi.

Ilyaas Barre Shiil, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay dadaal dheer u galeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaabka ka dagaalama dalka Soomaaliya, waxaana mudanahaasi ka tirsan Baarlamaanka Kenya uu hadalkiisa intaasi ku daray ineey tahay baro bogaando la faafiyay in Kenya ay dhul balaarsi ka sameyneyso qaybo katirsan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Jubooyinka.

“Waqti dheer ayay nagu qaadatay inaan Jubooyinka ka saarno Al-shabaab, waxaana Ciidamada KDF ee Kenya ay ku guuleysteen arintaasi”.

“Waxaan dooneeynaa Inaan Argagixisada la dagaalano Nafsadeena, waxayna Kenya ay mar walbo u taagantahay sidii ay Argagixisada ual dagaalamilahayd, waxaase jirta been abuur la faafiyay oo ah in Kenya Soomaaliya dhul kamid ah ay qabsaneyso, arintaasina waa been abuur” ayuu yiri Xilibaan Ilyaas Barre Shiil.

Sidoo kale madashaasi waxaa isna ka hadlay Xilibaan Maxamed Daahiye oo isna ka tirsan Baarlamanka dalka Kenya, gaar ahaan waxaa laga soo doortaa degmada Dhadhaab, waxaana uu codsaday in la taageero maamulka Jubaland waxaana uu doowlada Soomaaliya ugu baaqay ineey aqoonsato maamulkaas si buu yiri loo soo celiyo Qaxootiga ku dhibaateysan gudaha Xerada Dhadhaab.

“Waxaan ka codsaneeynaa doowlada Soomaaliya ineey aqoonsato maamulka Jubaland si loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka kenya ku sugan” sidaasina waxaa yiri Xilbaan Daahiye.

Dalka Kenya ayaa waxa uu Ciidamo usoo diray dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab Sanadkii 2011 Bishii October, waxaana Sana doo dagaal ay kula jireen Al-shabaab ka dib ku guuleysteen in Al-shabaab ay kala wareegaan Magaalo xeebeedka Kismaayo oo ahayd Isha ugu weyn ee uu dhaqaalaha kasoo gali jiray shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here