Kenya:72jir dhimatay xili ay dooneeysay ineey codeeyso

Xili dadka reer Kenya saakay ay udareereen goobaha cod bixinta, iyagoo rajeeynaya ineey badalaan hogaanka wadanka, kuwooda ugu hooseeya iyo kuwa ugu sareeya, ayaa waxaa geeriyooday haweeneey 72 jir ah, taasoo kamid ahayd dadka doonaya isbadalka siyaasadeed, haweeneeydan ayaa geeriyootay xili ay saf ugu jirtay ineey codkeeda dhiibato, gaar ahaan iskuulka Hoose iyo Dhexe ee “Kaganda”, ee bartmaha xaafada Kiharu.

Isbahaysiyada Xisbiyada ugu cad cad doorashada Kenya, ayaa hada ku dagaalamaya 47-ka gobol waxaana kamid ah, gobolka Bungoma oo ku yaal bartamaha dalka Kenya, Central Rift Region,deegaanka Garissa ,  deegaanka Kakamega, Mandera Wajir, Nairobi, Coast, North Rift, Nyanza Central.

Goobo badan oo laga codeeyay ayaa hada lasoo xiray, iyadoo hada kadib loo gudbayo tirinta codadka, waxaana hadii murashixiinta midkood, hadii uusan guul muuqata la’imaan, labada ugu sareeysa ayaa ku tartami doona doorasho ku celis ah, taasoo dhici doonta bisha soo socota ee Abril.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here