Kenya Waa loo Maleynayey inay Kismaayo Sheeganeyso Juqraafi Ahaan inay Kenya Hoostagto(Warbixin)

Waxaa tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen dalka Somalia waxaa sii kordhayey tuhunka iyo siyaasada ay kenya ka leedahay dalka Somalia.

Qaar badan oo dadka indheer garadka ah ayaa aaminsanaa in ciidamada Kenya ay ahmiyadooda ugu weyn ahayd sidii daqliga kasoo xarooda Dekada Kismaayo sidii ay ujeeb gishan lahayd.

Waxaa inkaloo siyaasiyiin somaliyeed ah ay qabeen fikrad ah in Kismaayo iyo meelo kale oo Jubbooyinka ah Kenya laga maamulo sida Gaarisa iyo Mandhera oo Xoog looga heysto dalka Somalia.

2-dii Bishii October 2012 ayey ciidamada Kenya oo gadaal ay ka socdeen ciidamada Dawlada iyo Kuwa Raaskambooni dhinaca dagaalkana ay ka caawinayeen waxay qabsadeen dagaal la’aan Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo.

Wal-walka iyo walaaca ay kenyanka igaliyeen waxay ahayd markii wafdi madaxweynaha uu kismaayo udiray ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada Kenya ee garoonka diyaaradaha kusugnaa isla bishii october bartamaheedii.

Amar ku taagleynta meliteriga Kenya ee kusugan Kismaayo xitaa dhagoolada way maqleen iyagoo gacmaha looga sharaxayo wixii ka dhacay Kismaayo markii wafdigii dawlada loo diiday kismaayo inay gudaha ugalaan.

Afhayeenka uhadlay Kenya ayaa mar la weydiiyey siday wax ugala socdaan wixii ka dhacay kismaayo ayuu si kooban ugu jawaabay hadii maamul uusan jirin anigana waxaan gali lahaa boqortooyada Ingiriiska.

Shiikh Cali Maxamuud Raage (Dheere) afhayeenka Al shabaab ayaa cod dheer ku sheegay hadii aan kenyanka lagula dagaalamin Kismaayo ay juqraafi ahaan sheegan doonan sida gobolka NFD ee xooga ku heysato.

Hadalkaasi waxay dad badan uqaateen caadifad dhinaca dagaalka ah oo shabaab ay ku doonayaan beer laxawsi ah in dagaalka lagu caawiyo.

Waxaase aan maqlay hadal kasoo baxay dawlada Somalia gaar ahaan Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Somalia Drs Fawsiyo Xaaji Adan oo Sabtidii shalay ka dhawaajisay in kenya kala hadleen arimaha Kismaayo.

“Waxaan usheegnay Dawlada Kenya in Kismaayo ay leeyihiin Shacabka Somaliyeed juqraafi ahaana ay Somaliya ku taallo marka Maamulka loo sameynayana ay dawlada utaallo sidaa waxa yiri Fawsiyo Xaaji Adan”.

Tuhunkii aan qabay bay sii kordhisay waayo Kenya ayaa wali waxay si Maldahan usheegeysaa in Kismaayo la mid tahay Gaarisa iyo Mandhera oo dhul Somalia hore looga qaatay ah iminkana Kenya ay maamusho.

Waxaan ka baqayaa mar aan dheerayn in Kismaayo Afarteeda Xaafadood dadka ku dhaqan la waydiiyo Sharciga Kibandhaha loo yaqaano oo kismaayo ka mid dhigaan dhul ay kenya leedahay.

W/D:Xasan Cabdullaahi

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

3 COMMENTS

  1. waa dood raqiis ah kenya ayaa qaadanaysa somalia .
    uganda burundi itoobiya maxay u qaadan waayeen qaybaha somaliya ay kala joogaan. dadka degaanka ayaa raali ka ah joogitaankooda kismayo . joojiya ilmada yaxaaska.
    ninka qoraalka soo qoray magaciisa wu qariyay wuxuu ku soo koobay magaciisa ws/wr/wb.. fulay iga dheh

  2. asc. 100% waan kugu raacsanahay sxb, waliba ha iloobin in shabaabka
    laga soo aas aasay dibada, hadal walba ooy ku hadlayeen wuxuu ahaa,
    mid wadanka ay ugu gacan gelinayeen cadawga, bal waxaan dhihi karaa
    waa calooshood u shaqaystayaal xaaraata cuna.

  3. s/c…
    ayaan darada haaysato somaaliya maanta waxa u wacan waa shabaab!!!

    markay qaraxyo ka geeysanayeen kenya iyo markay dhahayeen waxaan ka xoreeynd doonaa gaalada oo xukun islaami ayaan ka hirgelin doonaa kenya soo sabab uma aheeyn in ay isku jeediyeen cadawga umada somaaliya.
    waa tii yusuf indho cade yiri 2006 waxaan ku iidi doonaa addis ababa.
    this the media era wax kastoo waxa loo adeegsadaa media eega xamaas guulaha ay ka soo hoyday dagaalkii dhowaa ay la gashay israel for example.

    habo isku jeediyaan kenyaatiga shabaab may iska celiyaan kenyaatiga.

    iyagaa u sabab ahay soo gelitaanka iyagaana dabada sii jeediiyay markay ogaadeen in ay u babac dhigi karin keenyatiga.
    ilaahoow naga qabo shabaab.

    hada waxa dan u eh dawlada federaalga waa in ay dejiso oo iska indho dhirto shirqoolada ka socdo juba si ay marka hore uga badbaado shirqoolada dawlada lagu tuuri rabo.

    ilayn somali badan oo aan wadaniyiin aheeyn ayaa diyaar u eh in ay oppositions noqdaan si ay dawladaan uga tuuraan mar hadii ay helayaan taageero from border state’s.

    wabilaahi al tawfiiq.
    Ws/Wr/Wb…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here