Kenya: oo xirtay wadaad taageera Al-shabaab

NAIROBI:Ciidamada amaanka Kenya ayaa Xabsiga u taxaabay wadaad taageera afkaarta Al-shabaab, kaasoo lagu magacaabo Sheekh Xassaan Xuseen Aadan  oo dadweynaha u yaqaanaa Sh. Xasaan “Abuu Suleymaan”.

Baraha ay Al-shabaab ku leeyihiin Internetka ayaa xalay lagu baahiyay in Ciidamada amaanka Kenya ay xireen wadaadkaas.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sidoo kale xusay in abaare 10:00 fiidnimo waqtiga Geeska Afrika ay ciidamada booliiska Kenya gurigiisa ugu tageen Sheekh Xassaan Xuseen Aadan, xilli uu kasoo laabatay maktabaddiisa oo lagu magacaabo Daarul Xadtiih.

Ilaa iyo hadda booliska Kenya wax war ah kama soo saarin xariga wadaadkan sida cad utaageera Al-shabaab, hase ahaatee waxaa wararkaas baahiyey baraha xarakada Alshabaab.

Ma ahan markii ugu horeesay ee ay Ciidamada Kenya xiraan wadaadkaan oo dhowr Cajil soo saaray kuwaasoo uu si cad ugu taageerayo afkaaraha qaldan ee Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here