Kenya oo Xabsi Daa’in ku xukuntay 2 Nin oo u dhashay dalka Iiraan

Bishii June ee Sanadkii lasoo dhaafay, ayaa saraakiisha dalka Kenya waxay xireen (Axmed Abuu Faatix Maxamed iyo Sayid Mansuur Muusa), Waxaana markii la qabanayay ay wateen waxyaabaha qarxa oo culeyskooda lagu qiyaasay 15kgrm, {Halkaan ka aqriso warbixin hore}.

Hadaba shalay ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa xukun xarig xabsi daa’in ah ku xukuntay labo nin oo u dhashay wadanka Iiraan kuwaasoo lagu eedeeyay inay waxyaabaha qarxa geeyeen magaalada Mombassa ee wadanka Kenya ayna la shaqeynayeen ururka Al Shabaab.

Labada nin ayaa lagu kala magacaabaa Aaxmed Maxamed iyo Sayed Mansuur ayaa diiday eedeynta loo soo jeediyey.  Qareenkooda ayaa sidoo kale sheegay in raggan intii ay xirnaayeen ay su’aalo weydiiyeen sirdoonka Israaiil oo ugu tagay xabsiga.

Wax yar kadib markii raggaan u dhashay wadanka Iiraan la xiray sanadkii hore ayaa raysul wasaraha Yuhuudu uu shaacaka qaaday in Iiraan ay qorsheyneysay inay weerarto danaha Yuhuuda ee Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here