Kenya oo weydiisatay ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay ka caawiyaan sidi ay u qabsan laheyd Kismaayo

Ra’isulwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa weydiistay ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda ka wada xeebaha ka baxsan Soomaaliya in ay gacan ka siiyaan sidi ay u qabsan lahaayeen magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku haya Al Shabaab waana magaalada uu kasoo galo daqliga ugu badan sababtoo ah waxa ay leedahay dakad ay kusoo xirtaan maraakiib.

Odinga oo maanta kula hadlay wariyaasha magaalada Nairobi ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidi ay u qabsan lahaayeen Kismaayo inta aanan la gaarin bisha August sidaasina darteedna u baahanyihiin in maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ka caawiyaan weerarada xaga cirka, dhulka iyo bada.

Dowlada Mareykanka ayuu ka codsaday in ay ka gacan siiyo xaga dhaqaalaha hadii loo baahdana xaga milatariga sida uu hadalka u dhigay.

Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ayaa waxa ay haatan ka howlgalaan xeebaha ka baxsan Soomaaliya ee ay ku badanyihiin burcad badeedka, waxaase war kasoo baxay goor dhaw lagu sheegay in maandeetkoodu uusan ku jirin in ay ka dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.