Kenya oo wacad ku martay in ay duqeyneyso Afgooye

Ciidamada Kenya ee koonfurta Soomaaliya kula dagaalamaya AL Shabab ayaa wacad ku maray in ay weeraro dhinaca cirka ah ka geysan doonaan magaalooyinka ay sida weyn u maamulaan Al Shabab.

 

Madaxa howlgalada iyo xogta milatariga dowlada Kenya Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay bartilmaameedsan doonaan magaalada Afgoye oo aad ugu dhow caasimada Soomaaliya ee Mogadishu isla markaana hooy u ah kumanaan barakacayaal ah.

Waxa kale oo uu sheegay in ay duqeyn doonaan magaalooyinka dhinaca xeebta sida Marka iyo Baraawe.

“Waxaanu sii kordhineynaa bartilmaameedsiga deegaanada u dhow dhow magaalooyinka Afgoye, Marka iyo Barawe waxaan sidoo kale rabnaa inaan garaacno gudaha deegaanada Al Shabab.” sidaa waxa Mr Oguna uu u  sheegay wariyaasha.

Sarkaalkan ayaa digniin u diray dadka ku nool meelaha u dhow dhow deegaanada AL Shabab ama in ay ka agdhawaadaan xerooyinkooda.

Tan iyo marki ciidamada Kenya ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah Al Shabaab muddo imminka laga joogo laba bilood waxaa ciidamada cirka ee Kenya ay duqeeyeen deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.