Kenya oo UNHCR u diiday ineey booqato maxaabiista Soomaaliyeed

policeQaraar kasoo baxey madaxa booliska Kenya David Kimanyo ayaa waxaa lagu amray inaan hay’adaha qaxootiga loo ogalaan inay gudaha u galaan xabsiyada ay ku xiran yahiin qaxootiga lagu soo qab qabtey howl galada  ciidamada Kenya kawadaan xaafada ay soomaalida u badan tahay ee ee Eastligh.

Hay’adda qaxootiga caalamaka UNHCR ayaa ka mid ah hay’addaha loo diiday inay booqdaan ama u doodaan qoxootiga ku xiran xabsiyada Niarobi.

“Waxaan rabnaa inaan ogaano xaalada bini aadanimo ee maxaabiista iyo in sharciga la ilaalsho balse nasiib xumo laamaha amniga ee dowladda Kenya waxa ay dideen inaan aragno maxaabiista si kasta oo aan ula hadal nay ama aan uga codsanay.” ayuu yiri Al-amin Kimathi oo ah sargaal ka tirsan hay’adda u dooda xuquuqul insaanka xili uu ku sugnaa afaafka hore ee garoonka Kasarani ooy ku xiran yahiin ku dhawaad 4000 qof.

Waxaa xaalad bini’aadan nimo oo daran laga soo sheegayaa xaalada nololeed ee goobaha ay ku xiran yahiin qaxootiga.

1 COMMENT

  1. David Kimanyo waa og yahay waxa ka dhacay islii iyo qabqabashada Muwadiniinta Soomalida ah ineysan ahayn wax isku shaqo leh..laaakin waa calooshiis u shaqeyte laaluush doon ah.. wuxuuna meel kaga dhacay sumcadda ciidanka booliska Kenya…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here