Kenya oo sii deysay Maxaabiis ku eedeysneed Burcad-badeednimo

Burcad-badeed Soomaali ah oo lagu xukumay dalka Kenya
Burcad-badeed Soomaali ah oo lagu xukumay dalka Kenya

Kenya ayaa sii deysay 7 Maxbuus oo ku eedeysnaa Burcad-badeednimo, kuwaasoo soo dhamaystay xabsi gaaraya 5 sano, waxaana ragaan gacanta ku dhigay Ciidamada Badda Spain horaanta sanadii  2008-dii  oo  Ciidamada badda ee dalka Spain ay gacanta ku dhigeen  xili ay ku howlanaayeen sida la sheegay ugaarsiga maraakiibta ku kala goosha  biyaha gacanka cadmeed, iyo badweynta  Hindiya

4 ka mid ah kooxdani burcad badeeda ayaa ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Mombasa  halka sedexda kalena ay ku xirnaayeen xabsiyo  ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,  waxaana la sheegayaa in  waaxda socdaalka ee dalka Kenya lagu wareejiyay ragani si loogu masaafuriyo dalkooda Soomaaliya, iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ay xusul duub ugu jirto sidii gacantooda loo soo galin lahaa maadaama iyadu ay  mas’uul ka tahay mawaadiniinta Soomaaliyeed ee  u sugan wadankaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay ka codsadeen in maxaabiistani ay ku soo simaan gacantooda si safaaradda ay ugu shaqeyso  qaabkii dib loogu celin lahaa gudaha dalka Soomaaliya.

Sanadkani bilowgiisii ayay eheyd markii danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya uu ku booqday maxaabiistani xabsiyada ay ku jireen, isagoo xiligaasi sheegay in dowladda Kenya ay kala hadleen sidii maxaabiista Soomaaliyeed loogu celin lahaa dalkooda hooyo ee Soomaaliya, maadaama dalka uu ka baxay KMG-aarnimadii ay ku jirtay haddana Soomaaliya ay heysato Dowlad Caalami ah oo la aqoon sanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here