Kenya oo 60-maalmood gudahooda shidaal qodis uga bilaabeyso xeebta Somalia

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in mudo lixdan maalmood gudahood ay ku bilaabi doonaan qorshe shidaal looga baarayo meel qiyaastii 15,000 square km ka baxsan xeebta Lamu halkaasoo qiyaastii ku beegan 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha Kenyanka waxay sheegeen in qorshaha shidaal baarista uusan ahayn mid qarsoon isla markaana dawlada Kenya ay heysato sharciyo iyo heshiisyo u baneynaya inay shidaal ka baarato dhulka lagu muransan yahay [siday u yaqaanaan].

Waxaana baaritaanka shidaalka badda ee Kenya ay bilaabayso ay la kaashaneysaa shirkado ajnabi ah oo ay ka mid yihiin shirkadda Total ee Faransiiska laga leeyahay iyo shirkada Shirkada Statoil oo laga leeyahayw adanka Norway Shirkada Petrobras oo laga leeyahay Brazil, Shirkadda Apache Corporation Barazil iyo shirkada Tullow Oil Plc oo laga leeyahay UK.

Sida lagu daabacay wargeysyada wadanka Kenya, Kenya waxay dejisay inay shidaal ka baarto illaa 8-goobood oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xeebta Lamu. Waxaana afartaasi ka mid ah illaa labo goobood oo ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa xusid mudan in Kenya dhulka ay shidaalka ka baareeyso ku jirto xeebta Kismaayo u taqaano “dhul biyood lagu muransan yahay”. Illaa haddana DKMG ah ee xilkeedu dhamaaday kama hadlin boobka lagu hayo dhul biyoodka Soomaaliya, waxaana xiise leh in waqtiga ay arimahan Kenya ku dhawaaqday ay tahay xilli doorasho ay ka dhacayso Muqdisho oo dawladii dhacday maamulkeeda iyo musharixiinta cusuba ay ku jiraan loolan siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here