Kenya oo sheegatay duqeyn culus oo maanta loo geystay Kismaayo

Dowlada Kenya ayaa sheegatay in ciidamadeeda bada ay duqeeyeen bartilmaameedyo ay Al Shabab ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Afhayeenka milatariga Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka ee Kenya ay duqeeyeen xarun ay ay Al Shabab u isticmaalaan keydadka hubka oo ku taala magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan oo aanan sheegin qasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaasi ayaa intaasi raaciyey in weerarki shalay oo ay diyaaradaha dagaalak fuliyeen uu ahaa mid isna lala eegtay baqaaro hub ah.

“Waa waxa aan ku sheegnay howlgaladi ugu danbeeyey ee Kismaayo ee dhanka hawada iyo bada ah, wali ma aanan qaadin howlgalada dhanka dhulka ah, shalay duqeynti aan sameynay waxay aheyd wax aan maab kusoo raadinay oo aan maalmahan qorsheyneynay,” ayuu yiri Oguna oo u waramay wakaalada wararka ee Reuters.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in labada weerar ee cirka ahaa iyo duqeynta maraakiibta ay ku dhaceen magaalada Kismaayo dadkuna ay maqlayeen qaraxyo waaweyn.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Uganda, Burundi, Djibouti iyo Kenyan ayaa la dagaalamaya Al Shabab, iyadoo sidoo kalana ay dagaalka qeyb ka tahay dowlada Itoobiya.

Kenya ayaa ciidamadeeda usoo dirtay Soomaaliya bishi October ee sanadki hore kadib marki weeraro isugu jiray afduub iyo qaraxyo lagu qaaday dalkeeda kuwaasi oo ay ku eedeysay in ay ka danbeyso Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here