Kenya oo sheegatay duqeymo saakay loo geystay xeebta Kismaayo

Milatariga Kenya ayaa sheegay in maraakiibtooda dagaalka ay duqeeyeen magaalo xeebeedka Kismaayo oo ay si weyn u maamulaan Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka milatariga Kenya Cyrus Oguna ayaa u sheegay warbaahinta in maraakiibtooda oo ku sugnaa meel u dhaw xeebaha Kismaayo ay madaafiic ku tuureen kadib marki ay weerar kusoo qaadeen Al Shabab aroorti hore ee saaka.

Wuxuu Mr. Oguna sheegay in ay aheyd marki ugu horeysay oo ay Kenyanka dagaal ama duqeyn ku qaadaan magaalada Kismaayo oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan magaalada ayaa sheegay in duqeymaha ay bilowdeen xalay goorihi danbe isla markaana ay madaafiicda maqlayeen ilaa waabarigii saakay, waxa kale oo uu sheegay in gantaalaha ka imaanayey maraakiibta uu si xun ugu dhaawacmay wiil 8 sano jir ah.

“Sadexdi habeenimo ee ee xalay ayey maraakiib kusoo dhawaadeen dekada Kismaayo, Al Shabaab ayaa mdaafiic ku riday laakin jawaab ma jirin sidaasi ayaa xalay lagu seexday laakin saakay markuu waaga baryey ayey hadana duqeeyeen balse maraakiibtii ayaa kusoo jawaabay madaafiic kuwaasi oo ay ku weerareen dakada magaalada Kismaayo,”  ayuu yiri qofkaan oo la hadlay VOA-da isaga oo qariyey magaciisa.

Al Shabaab ayaa maamula magaalada Kismaayo oo ay ka taliyaan mudo sadex sana ah, waxase ay hanjabaad kala kulmayaan ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo horay u sheegay in ay qabsan doonaan Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.