Kenya oo shaacisay waqtiga rasmiga ah ee ay xireyso xeryaha qaxootiga

Kenya oo xireysa Kaakuma dhadhaab
Kenya oo xireysa Kaakuma dhadhaab

War kooban oo ka soo baxay goor dhow dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in gabi ahaan Bisha November ee sanadkan ay xireyso xeryaha Qaxootiga ah ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ku yaalla Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxaana dowladda Kenya ay ku sheegtay in sababta ugu weyn ee ay uxireyso xeryaha Qaxootiga in ay tahay amaan darada dalka Kenya ka jirta in laga soo abaabulo xeryaha Qaxootiga.

Waxaana xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ku nool dad aad gaaraya Kumanaan kun oo qof, kuwaas oo ka soo kala jeeda Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo dalal kale.

UNHCR ayaa dhowaan muujisay sida ay uga walaacsan tahay go’aanka kenya ee Qaxootiga laga saarayo dalkeeda, iyada oo ka digtay in arrintaasi ay ka dhalan karto dhibaato bani`aadamnimo oo soo wajahda dadka Qaxootiga ah.

Warsaxaafadeed ay dhowaan soo saartay UNHCR ayaa lagu sheegay in samatabixinta dadka ku nool xeryaha Qaxootiga Kenya ee u kala dhashay Soomaaliya iyo Suudaanta Kuufureed ay tahay mid muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here