Kenya oo Shaacisay Tirada Ciidamada Uga Geeriyootay Dagaalada Soomaaliya

Col. Cyrus Oguna Afhayeenka Ciidamada Kenya ayaa shaaciyey tirada Ciidamada ka geeriyooday dagaalada ka socda gobolada Soomaaliya, Col Cyrus Oguna waxa uu sheegay in 22-askari ay dagaalka kaga geeriyoodeen.

Cyrus Oguna waxaa uu sheegtay in askarta ugu badan ayh ku waayeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Miido oo ka mid ah meelihii ay ku dagaalameen ciidamada is wata iyo kuwa Al-Shabab.

Sidoo kale sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Kenya kama uusan hadlin inta askari ee uga dhaawacanta dagaalada ka socda gudaha Soomaaliya.

Xarakadda Al-Shabab dhawaan magalada Kismaayo waxay ku soo bandhigeen meydadka askar Kenyan ah iyo gaadiid iyo saanad ciidan oo ay ciidamada Kenya ka qabsadeen.

Ciidamada Kenya oo Soomaaliya hadda jooga muddo 11 bilood ah ayaa duqeymo ay ka geysteen gobolada koofureed ee Soomaaliyeed waxay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo aan dagaalada ku lug laheyn.

Ciidamada Kenya oo muddo 11-bilood ah dagaal kula jiray Al shabaab ayaa waxay Al shabaab kala wareegeen deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

Leave a Reply to Cabdirashiid Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here